Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Arag Sawirka: Meydka Wiil Dhallinyaro ah oo  laga helay Xeebta Xamarweyne

 

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa duhurnimadii Axadda maanta Xeebta Degmada Xamarweyne laga helay meydka Wiil dhalinyaro ah, oo dadka deegaanka ay sheegeen inay soo tuftay badda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ninkan dhalinyarada ah oo jirkiisa aysan ka muuqan dhaawacyo, balse isaga oo meyd ah mar keliya lagu arkay xeebtaasi, halkaasi oo dadkii badda u Kalluumeysi tagay ay soo arkeen.

Intaasi kadib ayaa dadka deegaanka ku ah nawaaxiga Xeebta Xamarweyne gaar ahaan agagaarka Aba Aweyska, waxa ay ku wargeliyeen Saldhiga Booliska Degmada Xamarweyne in xeebta uu yaalo meydka wiil dhalinyaro ah.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Xamarweyne oo gaaray goobtaasi ayaa waxa ay meesha ka soo qaadeen meydka wiilkaasi, waxaana illaa hadda la garan la’yahay ehelkiisa.

Sawirka meydka wiilkaasi ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, si haddii ehelkiisa ay aqoonsadaan ay uga soo raadiyaan Saldhiga Degmada Xamarweyne.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...