Wednesday, December 10, 2025
28.3 C
Mogadishu

Ciidamada Xoogga dalka oo deegaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Awdheegle (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya, in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay maanta kala wareegeen deegaanka Awdheegle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay saakay isaga baxeen gabi ahaanba deegaanka Awdheegle, waxaana iyada oo aan wax dagaal ah dhicin si buuxda gacan ku heynta deegaanka ula wareegay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah.

General Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidamada lugta oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka Awdheegle ayna qorsheynayaan in ay isku sii fiidiyaan deegaannada kale ee ay ku harsan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa iminka deggan xaaladda deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose, mana jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay isbeddelka ku yimid gacan ku heynta deegaankaasi.

Wixi warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com, insha allaah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...