Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland iyo La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey:
Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Saciid loo magacaabay Taliye Kuxigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Deni ayaa sidoo kale Ismaaciil Saleebaan Geelle waxaa uu u magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.
Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com






