Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

WAR DEG DEG – Ciidamada Somaliland oo Hargeysa ku xiray Fanaanii ka soo qeybgalay Xuska Aas-aaskii Puntland! + (Magacyada)

Hargeysa (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa xabsi ku yaal magaalada Hargeysa ku xiray mid kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuskii sanad guurada 21-aad ee aasaaskii dowlad goboleedka Puntland.

Alfanaan Cabdirisaaq Ismaaciil Anshax oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa deegaannada Puntland kana qaybgalay xuskii dhismaha Puntland ayaa gaarey magaalada Hargeysa ka hor inta aysan xirin ciidamada Somaliland.

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ay saaxiibo dhow yihiin Anshax ayaa xaqiijiyey xarigiisa, isagoona u aaneeyey inay xarigiisa ka dambeeyeen rag reer Somaliland ah ayna fan wadaag yihiin.

Magaalada Hargaysa ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuska 1-da August oo reer Hargeysa ah, haseyeeshee Fanaan Anshax oo ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya muddana kunoolaa Hargeysa ayaa xabsiga loo taxaabay.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...