Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

AKHRI: Muxuu ka yiri Yuusuf Garaad Shabaabkii Shalay lagu toogtay Muqdisho +(Dood ka timid)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mr. Yuusuf Garaad Cumar, ayaa dood ka keenay Dilkii Xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Jimcihii shalay lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, Kuwaasi oo doonayey inay dilaan masuul ka tirsan wasaarradda waxbarashada.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa Hadalkiisa wuxuu u dhigay Sidatan:-

‘‘Dilka shalay ka dhacay Bakaaraha waxaa ka khaldanaa ugu yaraan saddex waxyaabood oo culculus oo qaarkood ay u baahan yihiin baaritaan booliisku dhexdiisa baaro oo uu hubiyo in fal dembiyeed uu dhacay iyo in kale. Midna uu noqon karo xog la dayacay.

Qof aan Maxakamadi xukumin waxaa la dili karaa marka uu fal naf goyn kara faraha kula jiro, si kale oo looga badbaadaana aanay jirin. Waa marka uu isagu xabbad ridayo ama uu rid is leeyahay ee lagala hor maro. Intaas oo ruux oo qof dumar ahi ku jirto ma ku dhinteen si sharciga waafaqsan?

Tan labaad, waa xadgudub waana foolxumo in meyd dariiqa la soo dhigo, haddana la sawiro oo baraha bulshada lagu faafiyo.

Dariiqa iyo baraha bulshada waxaa labadaba jooga carruur iyo dad waaweyn oo aan xammili karin ama aan dooneyn muuqaalka dad la dilay oo waddada la dhigay.

Ma aha dhaqan Dowladeed.

Tan saddexaad, ma aheyn in magaciisa la sheego Agaasimaha lagu tilmaamay in si isaga loo difaaco darteed loo dilay intaas oo qof.

Ma ahan dhaqan hey’ado amni oo Dowladeed, sababta oo ah isaga ayay halis hor gelin kartaa sheegidda magaciisu.

Waan garan karaa in ciidanka amniga ay saaran yihiin laba culeys: Shabaab oo Dowladda, ciidanka iyo shacabkaba weerar ku ah. Iyo shacabka oo dhaliil la daba taagan ciidanka.

Taasi qiil uma siineyso in caro ay u qabaan Shabaab ay ka baxaan xadka sharciga.

Muwaaddinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karamaadiisa waa in la dhowraa nolol iyo geeriba.

Si kastaba hadii Askari la dilo ama Masuul way adag tahay inaad hesho dad  ka doodaya xaqooda iyo Sharciga lagu dilay , Balse hadii la dilo dhagar qabe doonayey inuu dilo masuul ama askari waxaa la is waydiinayaa sharci ma la mariyey ?.

W/Q: Yusuf Garaad

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...