Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow isgoyska Cali Kamiin, halka qof kale oo shacab ahaa uu dhaawac soo gaaray.
Dilka askariga ayaa ka dhacay bar-koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Cali Kamiin, waxana ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Goob-jooge ayaa xaqiijiyay in dilka uu yimid, kadib markii askariga la dilay uu isku dayay in bajaaj uu marsiiyo waddada oo ciidamada u xirneyd, balse taasi ay muran xooggan dhalisay.
“Waxaa xirnayd waddada, wiilka bajaajta watay ayaa arkay askari uu yaqaan, kadibna waxaa uu ka codsaday in uu ka gudbiyo askarta, waxayna isku raaceen oo ay isku afgarteen in askariga bajaajta uu wado, wiilka bajaajta lahaana gadaal ayuu raacay, waxaa uuna iska dhigay qof bajaajta saaran, kadibna waxaa ay gaareen askartii, kuwaasi oo diiday in ay bajaajtu gudubto, muran dheer kadib askartii bajaajta ayay rasaas u fureen.” waxaa sidaasi yiri goobjooge la hadlay mareegta Halqaran.com.
Wuxuu kaloo goobjoogahan uu sheegay, in rasaastii bajaajta lagu furay uu ku dhintay askarigii mootada waday ee doonayay in uu gudbiyo, iyada oo sidoo kale-na ninkii mootada horay u watay uu dhaawac soo gaaray, isla markaana loola cararay mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XASAASI + DAAWO MUUQAAL: Siyaasiyiin Somaliland ah oo ay ka qaybgeli raba caleema saarka Axmed Madoobe! & Xiriirka Somaliland iyo Kenya oo…
- Maxay qaban doonaan guddiga cusub ee uu magacaabay M/weynaha Puntland?
- XOG: Maxaad ka ogtahay Sababta rasmiga ah ee uu Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Kheyre uu isku casilay?!
- DHAGEYSO + XOG XASAASI: Maxay kaga jawaabtay DF Somaliya xayiraaddii ay saartay hawada KISMAAYO?!
- DAAWO MUUQAAL: Xaaf: ”Haddii aad madaxweyne doorataan yaan lugaha la qaban sidii anigaba lugaha lay qabtay”!
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com






