Wednesday, March 25, 2026
29.9 C
Mogadishu

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la soo afjaray weerarkii Villa Rays

Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerar qaatay in ka badan 20 saacadood oo ay Al-Shabaab Ku weerareen magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Weerarka oo billaawday xalay 8-dii fiidnimo ayaa waxaa Hotelka Gudaha u galay rag hubeysan oo katirsan ururka Al-Shabaab oo muddo saacado ah ka dhex dagaalmayay, waxaana weerarka laga soo badbaadiyay wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka halka dad kale ay ku geeriyoodeen weerarka.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ugu dambeyn laamaha Ammaanka ay ku guuleysteen soo afjarida raggii weeraray hotelka oo uu sheegay inay ahaayeen lix mid kamid ah uu is qarxiyay halka –tii kale ay Ciidamadu toogteen.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu sheegay in weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Villa Rays ay ku dhinteen 8 Ruux oo Shacab ahaa, isla markaana sidoo kale lix kale ay kasoo badbaadiyeen wallow khasaaraha uu Afhayeenku sheegay uu intaasi ka badan karo.

Alshabaab, ayaa marar kala duwan hotello ku yaalla magaalada Muqdisho ku qaadey weeraro lagu Xasuuqay Shacab iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya,Mana jirto Xal waara oo laga gaaray Go’aamada ay soo saaran laamaha Amaanka Dalka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...