Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu horkacayo oo soo gaaray Muqdisho +Ujeedkooda

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaraaha Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoonka Baarlamaanada Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay si wadajir ah magaalada Baydhabo ee xarun ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed uga qayb galaan furitaanka kulanka Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona furitaanka Kalfadhiga Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, kaas oo furmidoona Sagaalka bishan.

Amaanka baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyada oo uu shalay magaalada ku laabtay hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho u joogay ka qeyb galka shirka bahwadaagta Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba dal oo saaxiibbo dhaw ah ayaa sidoo kale xariir diblomaasiyadeed iyo mid taariikheed oo aad u fog.

Dhawaan Soomaaliya ayaa taageertay olole dowladda Jabuuti ay ku doonayso in kursi aan joogto ahayn ay ku yeelato golaha ammaanka ee Qaramada Midopobay kaasoo ay kula loollamayso Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...