Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Sarkaal Sare oo Muhiim u ahaa Somaliland oo Ku Biiray Maamulka Puntland

Garowe (Halqaran.com)- Sahal Faarax Raage oo ahaa G/Dhexe kuna magacaabnaa Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu isku dhiibey maamulka Puntland, isagoo ka sugan magaalada Garowe.

Sidoo kale Gaashaanle dhexe Sahal Faarax ayaa waxa uu shaaciyay inuu ka tanaasulay xubinnimadii uu ku lahaa Ciidanka Somaliland, isla markaana wixii Maanta ka bilaawda uusan ka mid aheyn Somaliland.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Sahal Faarax Raage inuu ku biiray Ciidanka Daraawiishta Puntland, waxaana sababta uu uga soo goostay dhanka Somaliland uu u sheegay inay tahay Caddaalad darro, waxaana Garoowe kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Puntland.

Dhanka kale Somaliland wali kama soo bixin wax war ah oo ku aadan Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee ciidamadooda oo u goostay maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...