Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo maanta la doortay

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ee maanta la doortay.

Garoowe (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Khamiistii maanta waxa ay doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Doorasho qaadatay laba wareeg ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

Guddiiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kaas oo bedelay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Maamulkaas Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...