Monday, June 22, 2026
27.3 C
Mogadishu

DEG DEG: Dhallinyaro Iska shaaheysay oo Caawa lagu laayay magaalada Muqdisho + (Ogow Sababta)

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow caawa naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya, in dhallinyaro lagu laayay Degmadaasi.

Muddooyinkii dambe Degmada Kaxda ayaa waxaa ka taagnaa xiisad salka ku haysa dilalka aanooyin qabiil, waxaana taasi ay sababtay caawa in la laayo dhalinyaro meel fadhiday.

Xogta ay haleyso Halqaran.com ayaa sheegaya, in dhalinyaro meel fadhiday oo ku shaaheysay in rasaas lagu furay, waxaana halkaasi ku dhintay illaa Saddex dhalinyaro ah, halka ay dhaawacmeen afar kale.

Kooxda falkaan gaysatay oo qoryo ku hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana la sheegayaa inay yihiin rag maleeshiyaad aano qabiil dilka u gaystay.

Goobta arrintaan ka dhacday ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska Degmada Kaxda, waxaana socdo baaritaano ku aadan halka ay u baxsadeen dableydii falka dilka ah gaysatay.

Si kastaba, dhallinyarada caawa Degmada Kaxda lagu laayay ayaa ahaay kuwa deegaanka u dhashay oo arrimo siyaasadeed aanan shaqo ku laheyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...