Dhahar (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada gole ayaa Khamiista maanta siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Dhahar oo ah xarunta Gobolka Haylaan.
Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Haylaan, Kan degmada Dhahar, Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo ardeyda.
Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ayaa markii uu soo gaaray degmada Dhahar waxaa uu dhex lugeeyay Boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soodhoweyntiisa.
Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka hadlay xafladda soo dhoweynta , ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Imaanshihiisa Degmada Dhahar iyo adeegyada dowliga ah ee la hirgeliyey intuu xilka hayey.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:⇓
- Maxkamadda ICJ oo soo saartay digniin ku saabsan kiiska badda Soomaaliya
- XOG XASAASI: Muxuu Shariif Sheekh Axmed kaga jawaabay codsigii uga yimid M/weyne Farmaajo?!
- DHAGEYSO: Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir CCW oo arrin aad u muhiim ah sameeyay
- Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni
- DAAWO VIDEO: Sheekh Shariif ”Dalkan wuxuu u burburay Caddaalad darro, mana aqbaleyno‘‘!
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Dhahar, wuxuu ka hadlay horumarka Puntland si gaar ah mashaariicda xarumaha waxbarasho Dowladdu ku hirgelinayso degmada Dhahar.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in la dhisayo Wada Laami ah oo isku xirta (Magaalooyinka Sheerbi –Dhahar illaa Xingalool), Sidoo kale wuxu Madaxweynuhu ku dhawaaqay hirgelinta xarumaha dowliga ah ee degmada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





















