Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Soomaali Qaxooti ku ahaa Dalka yamen oo Wali ka Soo Cararaya

Muqdisho(Halqaran.com)-Hey’adda Qaramadda Midoobay Qaxootiga uqaabilsan ee UNHCR ayaa sheetay in dalka Yemen kasoo celisay dad Soomaaliyeed kuwas oo la geeyay magaalooyinka Ber-bera iyo Bosaaso.

Dadkaan oo tiradoodu gaareeyso 114 qof ayaa oo xaqooti ku ahaa dalka Yemen ayaa laga soo qaaday magaaladda Cadan.

Tirada Guud ee dalka Soomaaliyeed ee Hey’adda UN HCR ay kasoo celisay dalka Yemen ayaa noqonaya 4,800 tan iyo Sanadkii 2017-kii.

Dagaalada u dhexeeya dowladda ay Carabtu taagerayso iyo Xuutiyiinta ayaa sanadihii lasoo dhafay halakeyay dalka Yemen, waxaana dagaaladaas ku dhintay dad badan oo Soomaaliyeed.

Hey’ado ay ka kid tahay IOM ayaa sidoo kale isku howlay sidii dalka loogu soo celin lahaa dadkii Soomaaliyeed ee daganaa dalka Yemen.

Waxaa jira Dad oo ay tiradoodu gaareyso 250,000 kun, kuwaas oo weli degan dalka Yemen, sida ay sheegtay UNHCR.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...