Tuesday, July 14, 2026
26.2 C
Mogadishu

Senator Faroole: ‘‘Culimada Somaliyeed haddii ay sidaayadda rabaan Kitaabka meel ha iska dhigaan‘‘!!! +(VIDEO)

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud /Sawir hore/Keydka

Garoowe (Halqaran.com) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta weeraray Culumada Soomaaliyeed, kuwooda siyaasadda ku dhex milmay.

Senator Faroole oo ka hadlayay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Culumada looga baahan yahay inay Kitaabka iska dhigaan, soona qaataan midka siyaasadda.

Waxaa uu sheegay inaanay ka yeeli doonin inay Masaajida ka soo farmuuqaan siyaasiyiinta, haddii kalena inay iyana farta ku fiiqayaan, isla-markaana ay iska celin doonaan.

“Culumada Waxaan leeyahay haddaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta, midka siyaasadda soo qaata, laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan, idinkana waa la’idinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna anba sheekh baan ahay ima harawsan kartaan.” Ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

Waxaa uu Culumada Soomaaliyeed uu ugu baaqay inaanay ka hadlin siyaasadda dalka, gaar ahaan midda Puntland, haddii kalena ay taggi doonto in iyagana la dhaliilo.

Senator Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo sida uu sheegay dhibaatooyin ku haya Puntland, kuwaa oo sida uu ka dhawaajiyay loo baahan yahay in la’iska qabto.

Senator Faroole ayaa dadka reer Puntland kula taliyay in si wadajira loo ilaaliyo midnimada shacabka Puntland iyo jiritaanka maamulka ay leeyihiin.

Ugu dambeyn, tani ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo Senotarka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan uu weerar afka ah ku qaado Culumada Soomaaliyeed, ee sida joogtada ahi kaga hadasho arrimaha siyaasadda ee dalka.

Hoos ka daawo Muuqaalka Senator Faroole:

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/946789695686256/

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...