Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Jabhadda ONLF ay ka tanaasuleyso magaca Ogaadeeniya? (Maxaa isbaddelay?)

Ethiopia (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay in magaca Ogaadeen ay  ka tanaasulayaan haddii loo arko maslaxada Shacabka Soomaalida, isagoo tilmaamay in muhiimada ay tahay oo kaliya rabitaanka dadka.

Isagoo la hadlayay Odayaasha dhaqanka ayuu soo bandhigay halka ay mareyso halgankii ay ugu jireen sidii ay u xoreyn lahaayeen Ismaamulka Soomaalida oo ku hoos nool dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.

“Haddaad Odayaashii dalka aad tihiin, soo dooda, soo kala rog roga magacaa isleedihiin ummada wuu mideeyaa oo dadkan iyo dalkan maslaxadiisa ah keena, isagaa subaxa danbe aan ku dhawaaqeynaa oon qaadaneynaa, qabiil reer Ogaadeenya la dhoho wax dana aynu ka leenahay majirto, Soomaali oo dhan ayaa ehelkeena ah, iyagaasaan u dagaalameynaa” ayuu yiri Admiral Maxamed Cusmaan.

“Ilaahay Hortii Magac Reer Weligay umaanu dagaalamin, oo naguma Jirto” Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Jabhada ONLF ayaa hubka iska dhigtay, waxeyna heshiis la gaartay dowladda Itoobiya, iyadoo isbeddeladan sida dardarta leh ku dhacay uu yimid markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abiye Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...