Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Meydka Sarkaal boolis Kenyaan ah oo qoorta laga gooyay oo la helay, Yaase ka dambeeyay?

Nairobi (Halqaran.com) – Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka Sarkaal ka tirsanaa Ciidankooda oo muddo todobaad ah la la’aa, kaasi oo laga helay meel ku dhaw deegaanka Lamu.

Sarkaalkaan ayaa la helay maydkiisa isaga oo laga gooyay qoorta, sidoo kalena gacanta laga jaray, waxaana la waayay qorigii uu ku shaqeynaayay, sida Booliska ay sheegeen.

Hesbon Anunda, ayaa labadii bishan lagu waayay Saldhiggii uu ka shaqeynaayay ee deegaanka lagu magacaabo Kizingitini.

Taliyaha Saldhiga Kizingitini, ayaa Warbaahinta u sheegay inay tuhmayaan weerarka lagu dilay Sarkaalkaasi inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo hawlgalo qorsheysan ka fuliya deegaano ku dhaw Lamu.

Sanadkaan kaliya ayuu sheegay illaa 40 Sarkaal oo Booliska Kenya ah sidaan oo kale ay u dhinteen markii siyaabo kala duwan loo waayay Saraakiishaasi.

Ciidamada Booliska Kenya ayuu ugu baaqay inay galaan feejignaan ku aadan naftooda, maadaama ay soo badanayaan Booliska la waynaayo, kadibna la helaayo maydkooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...