Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: RW Khayre oo Bixiyay 317,000 oo Dollar oo Dib loogu dhisayo Buundada Baardheere

Muqdisho  (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...