Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)

Kismaayo (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale amaro dul dhigtay shirkadaha Duulimaayadda ku taga Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA qoraal ayay soo saartay ayaa lagu sheegay in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, islamarkana shirkad kasta inay soo dalbato fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka xili dambe.

Arintaan u muuqata mid dowladda Dhexe ay kaga hortagayso in Wafuud Caalami ah ay tagto Magaaladda Kismaayo si ay kaga qeyb galaan Caleema saarka Axmed Madoobe.

Si kastaba, dhawaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in diyaaradaha aadaya Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya inay soo maraan magaalada Muqdisho si loo hubiyo.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...