Marka (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Marka.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Saliini ee duleedka Marka, kadib markii Al-Shabaab qarax Ismiidaamin ah ay ku bilaabeen weerarka, islamarkaana Xerada ay ku dhufteen gaari uu kaxeynaayay qof ismiidaamiyay.
Wararka ay halayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in weerarka oo saaka aroortii hore dhacay ay Al-Shabaab ku sheegteen inay cagta mariyeen dhammaan Ciidamadii ku sugnaa Xerada, islamarkaana intii ka badbaaday ay meesha ka carareen.
Warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa laga sii daayay in Ciidamadooda ay la wareegeen Xerada, islamarkaana ay qabsadeen saanad Militari oo Xerada taalay, sidoo kalena khasaare xoog leh ay ku gaarsiiyeen dagaalkaasi Ciidamadii Xerada ku sugnaay.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XOG XASAASI: Maxaa ka Ogtahay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo? Yaase ka dambeeyay?
- UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub
- Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Inkastoo Al-Shabaab ay sheeganayaan khasaare xooggan inay gaarsiiyeen Ciidamadii dowladda ee dagaalka ay la galeen, ayaa haddana Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkaasi kaga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen dagaalkaasi, islamarkaana si adag ay isaga difaaceen dagaalka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen sida hadalka ay u dhigeen.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com