Monday, April 20, 2026
31.6 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaad ka ogtahay Ujeedka M/weyne Farmaajo u saxiixay xilligan Sharciga la dagaallanka Musuqa?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Munaasabad lagu qabtay madaxtooyadda oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro, xildhibaanno ayuu Madaxweyne Farmaajo ku saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Sharcigan ayaa horey waxaa u soo ansixyay Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo madaxweynaha horyaallay muddo toban bilood ku dhow.

Farmaajo oo hadlay saxiixa kaddib ayaa sheegay in musuqa yahay sabab weyn oo kamid ah sababaha dib u dhiga horumarka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu magacaabi doono xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...