XOG CUSUB: Ma dhabbaa in Al-Shabaab ay joojiyeen howsha dayactirka Muqdisho Stadium iyo Hotel SYL?!

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur / Sawir hore
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur / Sawir hore /Keydka

Muqdisho (Halqaran.com) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdi-raxmaan Cabdi-shakuur Warsame ayaa soo bandhigay xog ku saabsan in Al-Shabaab ay joojisay dhismooyin ka socday xarumo waaweyn oo dowladeed iyo dad gaara gacanta ku hayaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay diideen in Dayactir lagu sameeyo a Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana ay lacago ka qaadaan Ganacsatadda Muqdisho.

Qoraalkiisa sida tan buu u qornaa;

”Waxaan xog ku heynaa in aysan wax shaqo ah ka socon dhismihii ay Al-Shabaab joojiyeen ee ka socday Stadium Muqdisho, waxaan kaloo xog ku haynaa in Al-shabaab ay hor istaageen dayactir lagu sameyn lahaa Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen shirkadihii dhismaha in ay hawshaas qaban karaan; haddii ay bixiyaan magta wiilashii looga dilay goobtaas oo ay ula jeedaan kuwii sedaxda jeer hoteelka isku qarxiyey.

Waxaa wax laga naxo ah iyadoo amnigii Muqdisho sidaa u dayacan yahay in ay dawlada Federaalka ah caqli quursi ku samayso shacabka Soomaaliyeed oo la soo gole istaagto sababta ay xayiraada u saareen duulimaadka tooska ee Kismaayo ay amaanka dartii tahay.

Madax bannaani Qaran waxaa halbeeg u ah awoodda ay dowladi u leedahay in ay xukunto xudduudaha dhul, bad iyo cir ee dalkeeda.

Dowladda Federaalka ah ma laha awood xukun oo ay dalka oo idil uga taliso, laakiin deegaannada dowlad goboleedyada dalka oo aysan ka talin ayaa si mutadawacnimo ah ugu tanaasulay dawlada Federaalka ah si loo celiyo qarankii Soomaaliyeed una ogolaaday in ay magaca Soomaaliya ku metasho.

Socdaalka hawada waa awood maamul oo ay dawlad Goboleedyada iyo Somaliland oggoladeen in gacanta loo geliyo Dowladda Federaalka ah, nasiib darase tilaabi ugu horaysay ee lagu tijaabiyey in la aamino Dowladda Federaalka ah, madaxda haatan talada haya ayaa ku takrifalay awooddii lagu aaminay oo waxey u adeegsadeen dano siyaasadeed .

Maanta diyaarada ka duusha Afmadow oo 30 kiilo Mitir Kismaayo u jirta ma tegi karto Kismaayo, haddii aysan Muqdisho soo marin .

Haddaba haddii awooddii qaranimo ee lagu tijaabiyey Dowladda Federaalka ah ay sababo siyaasadeed ugu takri fasho sideebay Soomaali isku aaminaysaa oo midnimo ummadeed iyo madax bannaani qaran lagu gaarayaa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com