Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG XASAASI: KENYA oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo kiiska badda ay ku baabi’ineyso!!!

Monica Juma

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay ku doonayso inay ku xaliso kiiska muranka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo ku saabsan badda Kenya muranka ay galisay.

Kiiskaan oo hadda uu horyaallo maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee Hague haddana Kenya ma qabto Kalsooni buuxda oo ku aadan in arrintaasi Maxkamadda lagu dhameeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay inay rajo ka qabaan meel aan aheyn maxkamadda ICJ in lagu dhammeeyo muranka badda ee labada dal.

Tani waxa ay muujinaysa in Kenya aysan rabin maxkamadda inay u fariisato kiiska badda, xilli dhawaan codsi ka yimid Kenya muddo laba bilood ah maxkamadda dib ay u dhigtay dhageysiga kiiska Badda.

Baarlamaanka Kenya ayaa dhawaan gudbiyay mooshin ciidan lagu geynayo biyaha Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso.

Ugu dambeyn, baarlamaanka Soomaaliya xubno ka mid ah ayaa iyana ku dhawaaqay in ay mooshin kaas la mid ah gudbinayaan marka uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka 27ka Bishan September.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...