Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Guddoomiyihii guddiga badbaadada Jubbaland oo dhaawac halis ah loogu geystay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, lagu toogtay Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland, kaasoo soo gaaray dhaawac halis ah.

Goobjoogayaal ayaa wariyaha Halqaran.com, ee magaalada Kismaayo u xaqiijiyay, in rag bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadaan Abuukaate Axmed Qalyar, xilli uu ku sii jeeday masaajidka.

Abuukaate Axmed Qalyar oo sidoo kale ah nabaddoon si weyn looga yaqaano Jubbaland oo dhaawac culus soo gaaray ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Muddooyinkii dambe, nabaddoon Axmed Jaamac Qalyar ayaa ka mid ahaa golaha isbaddel doonka Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Axmed Madoobe,  isagoona dhawaan hadalo adag ku weeraray madaxweynaha Jubbaland.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weerarka toogashada ah ee loogu geystay nabaddoonka gudaha magaalada Kismaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...