WAR DEG DEG: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo qarax khasaare geystay lala eegtay

Balcad (Halqaran.com) – Wararka aynu ka helayno degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw qarax miino ay la kacday gaadiid ay ka socdeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay duleedka Degmada Balcad xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo galbinaysay guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe.

Wararka ay haleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Askartii la socotay guddoomiyaha iyo masuuliyiin kale.

Waxaa la xaqijiyay ilaa iyo saddex askari in ay ku dhinteen qaraxaasi, waxaa kale oo jira dhaawacyo soo gaaray masuuliyiin.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo goobta uu qaraxa ka dhacay durba gaaray, ayaa gurmad deg deg ah u fidiyay dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, walow inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay Ururka Al-Shabaab ee dagaal xooggan kula jira dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala soco mareegta Halqaran.com

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com