Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin ku saabsan Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax nooca gawaarida lagu dhajiyo ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamar Jajab agagaarka Dakadda Muqdisho.

Gaari noociisa uu yahay Surf oo uu leeyahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa lagu dhajiyay Qaraxaan, xilli gaariga uu taagnaa meel ku dhaw kaalin Shidaal oo Dakadda agteeda ku taal.

Sarkaalka ku dhaawacmay Qaraxaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Janeraal Maxamed Cabdulle Dhoore, kaas oo Booliska u qabilsan Arrimaha dibadda, waxaana la sheegay in qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dhaawaca Sarkaalkaasi waxaana la geeyay goobaha caafimaadka.

Qaraxa oo ahaa nooca dhajiska ayaanan la garaneyn meesha looga xiray Baabuurka uu watay Sarkaalkasi ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa ka dambeeya maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab ee dagaal adag kula jira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...