Riyad (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.
Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ee la dagaalamaya.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa waxa uu muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.
Kulanka dhaxal-sugaha iyo Madaxweynaha ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





