Friday, April 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Gaddoomiyaha Cusub Ee Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xilka Kala Wareegay Guddoomiyihii Hore.

Muqdisho(Halqaran.com) – Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Munaasabad ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee xamar, kana soo qeybgaleen Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Wasiiro, Xildhibaano, Odiyaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, ayaa waxa uu Guddoomiyihii hore ugu mahadceliyay Bulshada Gobolka, Howlwadeenada iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka ee lasoo shaqeeyay inta uu xilka haayay, asigoona codsaday in lala shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale.

“Haddii aysan bulshadu is garabsan amni ma imanayo” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabadda.

Ugu dambeyn wuxuu balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...