Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Ku La Qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya  Soomaaliya Larry E. Andrew.

Kulanka Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray “sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.” .

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sida ay hay’adda gargaarka ee Maraykanka ee USAIDSOMALIA dowr ugu yeelan karto in la horumariyo kalluumeysiga gudaha si kor loogu qaado wax soosaarka dalka loona gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dalka H.E Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyey safaaaradda iyo hay’adda  sida u daneynayaan horumarinta iyo maalgalinta kalluumeysiga gudaha isaga oo u sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga dowladaha iyo ha’adaha daneeya Soomaaliya gaar ahaan kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda taasina ay horseedeyso in horumar weyn oo la taaban karo laga sameeyo kalluumeysiga gudaha.

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Madaxda Hay’adda ayaa dhankooda u balan qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda in ay ka caawin doonaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka Badda iyada oo shaqo Abuur loo sameynaya dhalinta ku sugan gudaha Dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...