Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo shirka Ugu Furmay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir gudoomiyay Shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha  Jubaland, Puntland,Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaan oo uu madaxda maamul Goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo kamid yihiin xaaladda abaaraha jira, amniga, siyaasadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo xjoojinta lahaa wadashaqeynta maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu socon doono muddo laba maalmood ah, isla markaana Madaxda ka qeyb galeysa ay dood adeg ku yeelan doonaa Shirka inta uu socdo.
Ugu dambeyn Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiirada ay heshiin waayeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...