Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Soomaali Fara badan oo ku geeriyootay shil Gaari oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika.

Pretoria(Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Dalka koofur afrika ayaa ku waramaya in Shill Gaari oo maanta ka dhacay wadada N4 ee isku xirta magalooyinka Nelspruit Iyo Pretoria ee dalkaasi, ay ku dhinteen 6 Ruux oo Soomaali ah.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gari yar oo ay wateen 5 Ruux uu dulmaray Gaari nooca xamuulka qaado ah, waxaana dadka ku dhintay ay kala yihiin, Hooyo, Gabar ay dhashay & Saddex Carruur & Saddex qof oo kale.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika iyo dadweyne kale oo Soomaali ah aya ku baxay goobta uu shilka ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka dadka shilka ku dhintay.

Sido kale Mid kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga naxeen dhibaatada ku dhacday dadkaas, isla markaana Maalinta berito ah la aasi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...