Muqdisho(Halqaran.com) – Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaciyey xilliga codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada magacaaban ee uu dhowaan ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri oo Axad ah uu jiro Kulanka Golaha Shacabka ay codka kalsoonida u qaadi doonaan Golaha Wasiirada Cusub ee uu hoggamiyo Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor akhrin doonaa.
Wasiirada Magacaaban dalka ayaa maalmahaan waday kulamo kala duwan oo ay cod uga raadinaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo dhisay Xukuumad ka kooban 26 Wasiir, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal, waxaana xubnaha Golaha Wasiirada kasoo dhex muuqday wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuur Mansuur.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





