Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Maanta Meel Mariyay Dagmooyin Cusub (AKHRISO)

Muqdisho(Halqaran.com) –Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta kulankooda todobaadlaha ah ee Golaha ku yeeshay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenada  Maamulka iyo xubno Wasiiro ah.

Sidoo kale Kulan kaan waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa qodoba dhowr ah looga dooday, iyadoona magaalooyinka Dhooblay iyo Buurdhuubo loo ansixiyay in ay degmooyinka jubbaland kamid noqdaan.

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixino la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubbaland.

inta uu socday kulanka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa degmooyinka Dhooblay iyo degmada Buurdhuubo Cod gacan taag ah loo qaaday si ay degmooyinka Jubbaland uga mid noqdaan, sidaasina loogu ansixiyey degmooyin.

Jubbaland ayaa sheegtay inay muhiim tahay in demooyinka Dhoobleey iyo Buurdhuubo loo dhiso Golle degaan, loona baahan yahay inay Maamulka kala Shaqeeyaan Odayaasha Dhaqanka.

Ansixinta degmooyinkan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maanta Dhooblay ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Golaha Wasiirada Maamulka iyo xubno kale.

Ugu dambeyn Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka goboleedka Jubbaland ee maanta laga qabtay degmada Dhoobley ayaa noqonayo kii ugu horreeyey ee lagu qabto degmada Dhoobley

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...