Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wafdi Ka Socda Dowladda Federaal ka Soomaaliya Oo Shir Uga Qayb-Galaya Addis-Ababa.

Addis-Ababa (Halqaran.com) –Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa,kusoo dhoweeyey Qunsulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ahna ku-simaha Safiirka Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxay Addis Ababa uga qayb gelayaan Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Geeska Afrika oo ka furmaya magaalada Addis Ababa, Wasiir Pekos waxaa socdaalkiisa shaqo ku wehelinaya Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalam Suleymaan Koodaar.
waxaa Halkaasi horeeyay usii joogay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar kaa oo gaaray Magaaladda Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya si uu uga qeeyb gallo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...