Doolow(Halqaran.com) –Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo
Socdaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Doolow ayaa ah mid ku aaddan gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool Doolow iyo degaanada kale ee hoos yimaada.
Maamulka Gobolka Gedo, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Maamulka Degmada Dolow Somaliya Wasiirkii Arimaha Gudaha Jubaland qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey
Tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu Magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan waxaa uu waday dadaallo xooggan oo ku aaddan sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka Abaaruhu saameeyeen.
Sido kale Ergayga inta uu joogo halkaasi waxa uu kormeer ku tagi doonaa xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah,isagoona sidokale warbixino ka dhageeysan doon maamulka degmada taa oo la xiriirto xaalada abaaraha ka jira Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





