Bariire(Halqaran.com) – Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo dhawaan ciidamada Gorgor ay ku dileen dad shacab ah.
Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgala tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab.
Deegaanka Bariire ayaa ka mid ah deegaanada ay had iyo jeer weerarada culus ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyntii taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





