Muqdisho (Halqaran.com) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukuno ku riday Nin iyo Haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish, kuwaasi oo 05-tii bishii lasoo dhaafay ee May lagu xeray xabsiga dhexe.
Magacyada Ninka iyo haweeneyda la xukumay ayaa lagu sheegay Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo loo heysto in ay ka tirsan yihii Daacish, isla markaana isku guursadeen magacyada Mustaf iyo Xaawo.
Dayib ayaa ku Eedeysan Samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Xubnaha katirsan Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray Bishii March ee Sanadkan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo raggan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyay labada Eedeysane in ay is qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Sarkaalkii xukumayay uu isku doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.
Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano oo Xarig ah Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.