Muqdisho (Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha shalay la magacaagay ugu hambalyeeyay xilka loo dhiibay, isagoona Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Xukuumadda dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Xamse cabdi Barre ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si uu usoo dhiso xukuumad cusub.
Guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse ugu hambalyeeyay xilka qaran ee uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sido kale Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday.



Halqarannews@gmail.com





