Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax iyo xubno kale oo la socday.
Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Wasiirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ay wax ka waydiiyeen qarashaadka ka baxay qasnadda Dowladda bilihii la soo dhaafay iyo Canshuuraha iyo su’aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.
Halqarannews@gmail.com





