Muqdisho(Halqaran.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Kulankaan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii looga wada-tashan lahaa wajihidda xaaladda abaaraha ee ka jirta dhammaan gobollada dalka iyo u gurmadka dadka sida daran abaaruhu u saameeyeen, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.
“warbixino ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Dowlad Goboleedyada ay kala matalayeen ka dhageystay Wasiirrada” iyaga oo ka dooday “fursadaha jira iyo caqabadaha ood qaadka u baahan.” Ayaa lagu sii yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.
Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada, waxa ay ballan qaadeen in ay si wadajir ah u dardar geliyaan una fududeeyaan howlaha gurmadka Abaaraha iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ergeyga.
Ugu dambeyntii Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo Bini’aadannimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulamo la yeeshay wakiilada Beesha caalamka iyo madaxda kala duwan, isaga oo kala arinsaya sida ugu haboon ee dadka Abaartu saameysay gurmad loogu gaarsiin lahaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





