Muqdisho(Halqaran.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda maamulada sida: Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Sido kale Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay shirka uga wada hadlayaan xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Waa Shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee uu shir Guddoomiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii la doortay, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu kulan la qaatay oo kaliya Madaxda maamul Goboleedyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





