Muqdisho(Halqaran.com)-Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada dalka Soomaaliya ka furmayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ah markii ugu horreeysay oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iskugu yeero Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.
Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonnaa wada shaqeynta maamuladda iyo dowladda dhexe.
Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyneyaasha maamulada oo dhan,sida Jubbaland Axmed Maxame Islaam Madoobe, Puntland Saciid CabdullahiDeni, Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Lafta-gareen iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed maxamuud Filish.
kulankaan ayaa Noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka yeesho tan iyo markii lasoo gabagabeeyay Doorashada Golayaasha Shacabka, Aqalka Sare, Guddoonka labadaas Gole & Madaxweynaha 10aad JFS.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Halqarannews@gmail.com





