Daynuunaay(Halqaran.com)-Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ururka 47-aad Guutada-8aad qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ku toogtay Nin ay sheegeen inuu halkaas miino nooca dhulka la geliyo ku aasayey.
Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka LX/Le Daahir Macalin Cali ayaa sheegay in Ciidamada ay sidoo kale toogteen Ninkii miinada ku Aasayay Agagaarka Xerada Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay.
Sido kale Talyaha Ciidamada Xoogga gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad, Daahir Macalin Cali ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Howlgallada ay kawadaan gobolka Baay.
Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday Al-shabaab oo deegaankaas kala wareegay Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, iyadoona ay xusid mudan tahay in dagaalo halkaas ka dhacay ay markii dambe ku qabsadeen Ciidanka dowladda.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si joogto ah howlgallo uga fuliya degaannada Gobolada Maamulka Koonfur, Sido kale Wax war ah kama soo baxin ilaa iyo hada Dagaalamayaasha Al shabaab.