Baydhabo(Halqaran.com)- Shir looga hadlayey Arrimaha Amaanka, degaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu Qabtey Maanta Xarunta Wasaardda Garsoorka iyo Cadaaladda Koonfur Galbeed ee ee Magaalada Baydhabo.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galey Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Booliska, Xoogga Dalka, Asluubta, Nabad sugida, Gudoomiyaha Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad, Xeer ilaaliyaha Guud ee KGS, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Koonfur Galbeed, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga KG, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS,
Shirkan ayaa waxa uu qaatay saacada badan isla markaana waxaa laga soo saarey go’aamo iyo baaq loo jeediyey Bulshada koonfur Galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin.
Qofkii lagu Arko, isaga oo iibinaya waxyaabaha maanka Dooriya , kufsiga, Dilka ,Muuqalada Anshax xumada ah ,Qamaarka la ciyaaro, wixii la mid ah in tilaabo Shirciga Waafaqsan laga qaadi doono.
Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaaliyeed Gaashanle Sare Ibrahim Cusmaan Maxamed Tifow ayaa Awaamiir ka soo saarey Askarta istafka ka ah Madaxda in ay goobahooda shaqada ku laabtaan.
Ugu danbeyntii Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur ayaa sheegey in Sharciga lala tiigsan doono Qofkasta oo falalka foosha xun ku kac,a isaga oo bulshada ugu baaqay inay u hogaansamaan awaamiirta Dowladda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





