Baydhabo(Halqaran.com)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa uu Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo banaanaa, kuwaas oo mas’uuliuiintii haayay ay kamid noqdeen Xikdhibaannada Golaha Shacabka.
Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaraya illaa shan Wasiir oo badali doona Wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah:
- Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
- Dr Cali Cabdi Macalin ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta, maalgashiga iyo Hormarinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
- Maxamed Isaaq Cabdi ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
- Xasan Cabdi Nuur Aadan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed
- Sandheere Maxamed Iftiin ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
Dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada ee la Magacaabay ayaa bedelaya Xubnihii horaybu haayay, kiwaas oo xilalkooda ku waayay kamid noqoshada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





