Muqdisho (Halqaran.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamd Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.
Guddoomiye Madoobe iyo Safiirka Imaaraadka ayaa kulankoodi waxaa uu ku sabsanaa adkeynta iyo soo ceelinta xirirka walaltinimo ee labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heeyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xirirka Baarlamaanka JFS iyo kan Imaaraadka carabta.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa kulama gaar gaar ah ayaa la yeeshay Safiirada Soomaaliya u fadhiya Waddamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Saaxiibada la’ah Madoobe ayaa inta badan waxa uu diiradda ku saarayay kulamada Beesha Caalamka uu la yeelanayay sida ay Soomaaliya uga caawin lahaa gurmadka Abaaraha & xoojinta xiriirka labada Dowladood.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





