Saturday, May 16, 2026
30.9 C
Mogadishu

Maxay ka wada hadleen Ergayga gaarka ah ee Arimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Madaxda QM.

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

labada dhinac  ayaa ka wada hadlay in  degdeg ah loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan.

Ergayga gaarka ah Arimaha Gargaarka ee madaxweyne Xasan sheekh  wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucyada degdega ah.

 

Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaalkooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masuuliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...