Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta lagu Soo dhaweeyay Baydhabo +SAWIRRO

Baydhabo(Halqaran.com) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha dalka ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah maamulka Koofur Galbeed.

Safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay socdaal uu madaxweynuhu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.

Wafdiga Madaxweynaha ee gaaray Baydhabo ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xubno katirsan labada Golle ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada XFS, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa wafdiga madaxweynaha ku soo dhaweeyay  Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayada oo lagu wado isla maanta asiga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si wada jir ah xariga uga jaraan Villa KG oo ah dhismo Cusub oo lagu soo kordhiyay Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Sido kale, inta uu ku suganyahay  Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xog-dhageysan doona xaaladda abaarta ka jirta Deegaannada DG Koofur Galbeed maadaama safarkiisa uu ku wehlinayo Ergayga u qaabilsan arrimaha gargaarka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ayaa ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...