Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Rooble ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee Madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan oo jimcihii lasoo dhaafay geeriyooday.
Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bishii Janaayo 2022 amray in la fasaxo lacagtaan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018, ayada oo ay hakisay xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Safiirka imaaraadka maxamed Axmed Al’uthman ayaa la sheegay inuu maanta lacagtaasi la wareegay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





