Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

Warar Dheeraad ah oo Ka soo baxaya Weerar Qarax oo lala eegtay Farxaan Qaroole.

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha qeybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa Caawa ka badbaaday qarax lagu eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa kolonyo galbineysay taliyaha lagula eegtay, halka loo yaqaano  jaamacada Shabelle oo ku taalla wadada aada dhanka Afgooye,qaraxan oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray afar kamid ah ilaalada Taliyaha.

 

wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la qarxinayey taliyaha Booliska gobolka Banaadir uu ka yimid dhinaca deegaanka Calamada, kuna soo jeeday Muqdisho.

 

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxa uu ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...