Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Halqaran.com) –  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiye ku xigeenada Golaha Aqalka Sare.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulanka uu la qaatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

 

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in anjendaha kulan uu ahaa:

 

1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.

2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10aad.

3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3aad, Kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare.

 

Sidoo kale, kulanka guddoonka aqalka Sare waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...